Wararka ka imaanaya magaalada New York ayaa sheegaya in dowladda Iran ay Mareykanka u gudbisay shuruudo ay ku xireyso joojinta dagaalka, iyadoo farriinta Tehran loo mariyay dhex-dhexaadin ay Qatar ka sameysay labada dhinac.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in shuruudaha Tehran ay kamid yihiin in la joojiyo dagaalka dhammaan furimaha, isla markaana la soo afjaro waxa ay Iran ku tilmaantay falalka gardarrada ah ee Mareykanka.
Sidoo kale Iran waxay dalbatay in la soo afjaro go'doominta badda iyo dagaalka dhaqaale ee lagu hayo dalka, iyadoo Washington laga doonayo in ay sii deyso hantida Iran ee la xannibay.
Dhanka kale, ergayga Mareykanka Steve Witkoff ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay yeesheen wada-hadallo dheer oo ka dhacay magaalada New York, iyadoo dhex-dhexaadiyayaal ay fariimo u kala gudbinayeen labada dhinac.
Xiisadda labada dhinac ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka, iyadoo xog cusub ay muujisay in tirada maraakiibta ka gudbaysa marin-biyoodka Hormuz ay hoos u dhacday.
Mas'uul sare oo Iiraan ah ayaa sheegay in Tehran ay dib u furi karto marin-biyoodka Hormuz maalmo gudahood haddii Mareykanku yareeyo cadaadiska milatari iyo go'doominta lagu hayo dekedaha Iran.
Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis lala gaari karo Iran, balse wuxuu sidoo kale ku hanjabay tallaabo milatari oo culus haddii aan la gaarin heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
Ilaa iyo hadda ma jiro heshiis rasmi ah oo labada dhinac ay ku dhawaaqeen, balse dadaallo diblomaasiyadeed ayaa ka socda magaalada New York, xilli Qatar iyo dalal kale ay isku dayayaan in Washington iyo Tehran lagu soo celiyo wadahadal rasmi ah.

FG: Kusoo biir barta xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay X/Twitter: